Booliska magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay toddobo ka tirsanayd maleeshiyada al-Shabaab oo isku dhiibtay dhinaca dowladda.
Madaxa booliska gobolka Kornayl Cabdi Cali wuxuu sheegay in ragga la soo bandhigay ay si iskood ah isugu soo dhiibeen ciidanka dowladda, isagoo intaas raaciyay in lagu samayn doono baaritaan dheeraad ah.
Ragga isa soo dhiibay ma aanay hubaysnayn xilligii ay isa soo dhiibayeen, waxayna sheegeen inay ka baxeen kooxda al-Shabaab kaddib markii ay ogaadeen inay waddada khaldan ku taagan yihiin.
Isa soo dhiibiddooda ayaa loo arkaa inay niyad jab ku tahay kooxda al-Shabaab oo awooddeeda ciidan la wiiqay bilihii ugu dambeeyay.
Daafeet.Com