Guddomiyaha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo Axmed Madoobe, Kuxigeenkiis Yaasiin Raadeer Iyo Cali Madoobe oo saaka loo duuliyay Nairobi.

0
55

raasGudoomiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee magaalada Kismaayo Axmed Madoobe, Gudoomiye ku xigeenkiisa Yaasiin Raadeer iyo Cali Madoobe oo ka tirsan Guddiga Farsamada ee Maamul u samaynta Jubbaland ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi.

Safarka sedexdan mas’uul oo aan laga warbixinin ayaa waxaa hadana jira khilaaf aad u weyn oo soo kala dhexgalay maamulka kumeel gaarka ah ee ay dowlada soomaaliya u samaysay magaalada Kismaayo
Khilaafkan ayaa waxa uu salka ku hayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka yimid dhinaca Gobolka Gedo soona gaaray magaalada Kismaayo oo diidmo aad u weyn ay ka muujiyeen maleeshiyaadka beesha Raaskambooni sidoo kalena Saraakiil ay DF Soomaaliya u soo dirtay ciidamadan Dowlada oo Saaka Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kasoo degay ayaa maleeshiyada Raaskambooni waxay ku soo celiyeen magaalada Muqdisho oo markii hore laga diray.

Warar ay heshay wadajirradio Atlanta ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaan ay dowlada Kenya kala hadlayso qaboojinta xasarada haatan taagan oo laga yaabo in si lama filaan ah ay gacan ka hadal isugu bedesho

Dhanka kale waxaa gelinkii danbe ee shalay meel fagaare ah lagu toogtay laba nin oo hore uga tirsanaa ciidanka maamulka ka arimiya magaalada kismaayo. 

Af hayeenka maamulkaasi Cabdinaasir Seeraar oo fulinta xukunkaas kaddib saxaafadda ereyo kooban siiyay ayaa sheegay in labadan nin oo shalay lagu dilay magaalada Kismaayo sababta loo dilay ay ahayd ka gadaal markii ay si bareer ah u dileen laba Askeri oo kale oo tirsanaa ciidamada maamulka.

Halkan ka dhegayso

wararkii ugu dambeeyey ee Jubbooyinka