Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo u hambalyeyey Madaxweynaha cusub ee Dalka Kenya

0
35

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada Uhuru Kenyatta oo noqday madaxweynaha afaraad ee dalka Kenya ay caddayn u tahay sida shacabka dalka Kenya ay u guteen waajibaadkooda wadaninnimo.

Farriin uu ugu hambalyeynayay Uhuru, madaxweyne Xasan wuxuu ku sheegay in shacabka Kenya ay sameeyeen go’aan iyadoo 85 boqolkiiba cod-bixiyeyaashii diiwaan-gashanaa ay si firfircoon uga qeyb-qaateen cod-bixinta.

Wuxuu u jeediyay shacabka Kenya iyo madaxdooda inay xushmeeyaan qiimaha nafta bini’aadamka iyo hantidooda.

Wuxuu kaloo sheegey in dowlada ay mar walba diyaar u tahay in aan si wadno xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labadeenna dal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Daafeet.Com