Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Masar oo maanta booqasho ku yimid Dalka Somaliya

0
52

masarWaxaa goordhaweyd Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho soo gaarey Wasiirka arimaha dibada dalka Masar oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya iyo wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada dalka Masar ayaa iminka waxa uu kulan uga socdaa Garoonka Muqdisho Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato Wasiirka arimaha dibada dalka Masar ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Masar ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com