Xaflad looga hadlayey kaalinta culumada ku leeyihiin dib u dhiska dalka oo ka dhacdey Minnesota

0
116

mnpls-300x198Xaflad aad u balaaran oo ey soo qaban qaabiyeen urur lagu magacaabo Fagaaraha. ayaa shaley gelinkii dambe lagu qabtey magaalada Minnesota ee dalka mareykanka xafladaas oo cinwaan looga dhigey kaalinta ay kuleeyihiin culimada dib u dhiska dalka soomaaliya.

Xaflada waxaa lagu casuumey oo kasoo qeyb galey sadex culimo oo kala ah sheekh cabdirahman shariif, sheikh xassan maxamud jamaci, sheekh cabdirahman Omar, waxayna kamid yihiin culimada ugu waaweyn ee minnesota. Barnaamijkan waxaa daadihinaya siyaasiga Minnesota mudane sadiiq warfaa.

Sheekh abdirahman sheekh shariif waxuu ka hadlay, in lahelo qodobada soo socda.

1. Bulshada in lajecleeysiyo shacabka, umada ama inuu shacabka kadhaadhiciyaa wadan jecel, asagoo kahadlay in wadanka la jeclaado.

2. Inuu wadaadka kaqaato kaalin wanaagsan sidii dadku iskugu gargaaran asagoo tusaale usoo qaatay maraykanka oo ah 50 wadan oo kale.

3. Inuu kashaqeeyo sidii qilaaf kasta oo yimaada laxalin karo kana dhaadhiciyo, waa inuu wadaadka gacan kahadalka waa inuu diido.

4. Inuu qayb kaqaato hidaha iyo dhaqanka sida sudaanta soomaalida Inay masajidka kaqaadi karaan oo sudaanta wanaagsan sida midnimada, kala danbeynta isjaceylka, wadaniyada etc

5.isbadal in lahelo inuu wadaadka kaalin kaqaato sida doirashiiyin in laqabto dhowr sano kadib in doorasho in lasameeyo.

6. Cadaalada ineey culimada kashaqeeyaan oo muslimiinta dhiigiisa aan labanaysan xataa gaalka,

7. In culimada ay kashaqeeyaan inay qabiilada siman yihiin oo qabiil qabiil kasharaf badan majiro

8. Dumarka in xaqooda lasiyo wadankana hogaamintiisa ay kaalin kaqaataan asagoo daliilshanaya in soomaaliya ay badbadiyeen shacabkeena.

9. Wadaadka inuu kashaqeeyo in united nationka, afrikan union, UAE etc laxiriirno. Ethiooia trainka ksaoo baxo waa inuu xamar iman karaa waayo waa half kamid ah ethiopia waa muslimiin, sidoo kale trainka kenya kasoo baxo inuu xamar iman karo dhib la’aan.

10. Jihaadka micnihiis waa difaac ee weerar ma’ahan in culimada kashaqeeyaan ineey calamka baraan hadii nalasoo weeraro inaan iska difaacno.

Gunaanadkii kulanka ayaa wadada waxaa ey isla af garteen in ey culumada la yimaadaan 3 qodob.

1.Culimada waa ineey diinta gaarsiyaan shacabka waayo dhibaatada maanta lahaysato waxaa sababay diinta oo yaraatay.

2.culimada ineey kashaqeeyaan wanaaga oo aan dusha laga saarin waxa somalia kadhacay 20kii sano ee lasoo dhaafay.

3. In manhajka wadanka lagu maamulayo in kitaabka Alle lagu dhaqo, asagoo amaanay ardayda schoolada ama jamacadaha waxuuna ku amaanay ineey wanaagsan yihiin.

Daafeet.Com