Laamaha Amniga oo yeelan doona Taliyayaal cusub

0
162

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan kasoo kala xiganay mas’uuliyiin diiday in la xigto magacyadooda ayaa inoo xaqiijiyay in heer gabagaba ah marayso isbedel uu rabo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku sameeyo laamaha Amniga ee Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya.

Isbedelkaan uu rabo Madaxweyne Xasan Shiikh inuu ku sameeyo guud ahaan laamaha Aminga ayaa waxa uu qayb ka yahay balan qaadkiisii xiliga uu doorashada Madaxweyne-nimo uu ku jiray ee ahaan in isbedel dhan walba ah uu la imaan doono maamulkiisa hadii uu guulaysto.

diiniHadaba kulamo aan loo kala kicin oo ku dhowaad todobaad soo socday ka dib ayaa ugu danbayn waxaa laysla gartay in xil ka qaadis lagu sameeyo Taliyaha Xooga dalka Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini,Taliyaha Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye,Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xuseen Xasan Cusmaan, Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen. Cabdikariin Yuususf Aadan Dhegabadan iyo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi.

Mas’uuliyiinta cusub ee buuxin doona xilalkan banaanaaday ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha cusub ee Ciidamada xooga dalka oo noqon doona Jen. Dahir Aadan Cilmi oo loo yaqaano Indho-Qarsho kana soo jeeda Hawiye-Shiikhaal kana mid ahaa ardadii kasoo aflaxday jaamacadihii Midowgii Soofiyeet ee burburay waxaana taliye xigeen looga dhigay Jen.Cabdirisaaq oo ay hayb-wadaag yihiin Taliyaha xilka banaynaya ee ciidanka Xooga dalka Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo ay kasoo wada jeedaan beesha Daarood-Mariixaan.

Mas’uuliyiintan xil ka qaadista lagu samayn doono ayaa badankoodu waxay ahaayeen kuwo uu horay u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2011 inkasta oo aan mas’uuliyiintan la sababayn xil ka qaadistooda ayaa waxaa hadana muuqata in ciidanku uu u baahan yahay hogaan cusub oo karti iyo aqoon hogaamineed ku waajaha Dagaal iyo Nabad xiliyada soo socda.