Maamulka Puntland oo amar ku bixiyey in aan laga dhoofin karin shilin somali deegaanada Puntland

0
62

puntlandMaamulka Puntland ayaa ka digay in deegaannadiisa laga dhoofiyo lacagta shilin Soomaaliga kaddib hoos u dhac ku yimid sarrifka lacagta doollar iyo kororka qiimaha la kala siisto maciishadda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka ku-xigeenka maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame ayaa amar ku bixiyay inaan lacag shilin Soomaali ah loo dhoofin karin koonfurta Soomaaliya, isagoo amar ku siiyay ciidanka ammaanka inay baaraan dhammaan gaadiidka ka baxa deegaannada maamulka Puntland.

Hadalka wasiir ku xigeenka ayaa imaanaya kaddib markii ay soo shaac baxday in qaar ka tirsan gacansatada ku dhaqan gobollada Puntland iyo gobollada dhexe ee dalka ay lacag caddaan ah oo shilin Soomaali ah u rareen Muqdisho si ay ugu beddeshaan lacag doollar ah.

Wasiir ku xigeenka Puntland wuxuu sheegay in ciddii lagu qabto iyadoo lacag shilin Soomaali ah ka dhoofineysa Puntland lagala wareegi doono lacagta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii sheegay inay dowladda si degdeg ah wax uga qabaneyso arrintan oo dhibaato ku noqotay shacabka, wuxuuna sheegay in hay’adaha dowladda ee ay khuseyso loo xil saaray in ay la tacaasho sidii wax looga qaban lahaa.

Daafeet.Com