Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaaminayay, labadii cisho ee ugu dambeysayna ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa saaka booqday xerada 54-aad ee ciidanka xooga Puntland.
Ra’iisal Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole, madaxweyne kuxigeenkiisa Mudane C/samad, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan labada gole ee Puntland ayaa kormeeray qeybaha Xeradan iyo xafiisyada wuxuuna mid mid u gacan qaaday saraakiisha taliska ciidanka ee Puntland.
Ugu dambeyntiina, saraakiisha ciidanka ayaa halkaasi ka soo jeediyay khudbado, heeso iyo gabayo, iyaga oo soo bandhigay waxqabadkooda, waxayna ka codsadeen Dowladdu inay ka garab siiso sidii loo sii horumarin lahaa ciidamada Puntland.
Dhanka kale, Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo is daba joog ah la leh labadii cisho ee ugu dambeysay madaxda maamulka Puntland.
Daafeet.Com