Tiro Caruur ah oo ku dhintay Webiga Jubba oo aad u biyo yareeyey

0
74

biyo yarDadka ku dhaqan degmooyinka Buurhuubo,Baardheere iyo Luuq oo uu maro webiga Jubba  ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujiyeen halis kaga imaanaysa Ubadkooda Webiga Jubba oo Bishan biyo yareeyey,taasi oo keentay in tiro ilaa 10 qof uu u badan Caruur in ay ku dhintaan Webiga Jubba ee degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere.iyadoo sidoo kalena ay jiraan Caruur si dirqi looga badbaadiyey Webiga.

 

Inta la ogyahay ilaa 8 caruur ah oo 4 ka mid ay yihiin Gabdho ayaa labadii todobaad ee uu ugu dambeeyey  si gooni gooni ah ugu geriyoodey Webiga Jubba ee degmada Buurdhuubo iyo Tuulooyinka,Suriyo Hafey iyo Malkaahidaa oo ka tirsan isla Buudhuubo xilli Caruurtaasi webiga ay ku dabaalanayeen ama y dhar ku dhaqanayeen.

Halkan ka dhegayso

Caruur ku dhimatey Webiga Jubba oo aad u Biyo yareeye,wadajir