Cabdi Faarax Shirdoon Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta kasoo kicitimay magaalada Garowe ayaa galabta soo gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacayo oo xarun u ah maamulka GalMudug.
Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay madaxweynaha Maamulka GalMudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Mas’uuliyiin ka tirsan isla maamulka kadibna wafdiga waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug oo ay ku sugayeen taageerayaasha maamulka GalMudug.
Ra’isulwasaare Saacid oo la hadlay taageerayaasha GalMudug ayaa ku ammaanay soo dhoweynta iyo dulqaadka saacadaha badan cadceeda ay u taagnaayeen soo dhoweynta wafdiga Dowladda.
Madaxweynaha Maamulka GalMudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisal Wasaaruhu horkacayo ee ay ku jiraan Wasiirada iyo xubnaha xildhibaanada ah ay gelisay kalsooni booqashadooda.
Booqashadan ayaa waxay qeyb ka tahay booqasho todobaadkii ugu dambeeyay uu Ra’isalwasaare Saacid ku kala bixinayay gobolada dalka.