Gudomiyaha Gobolka Bay Cabdi Hoosow oo kormeer ku tegey Xerada Bonkaay

0
54

hosowGudoomiyaha Maamulka G/ka Bay Dr. Abdi Aadan Hoosow ayaa Maanta booqday Xerada Boonkay ee Duleedka Magaalada Baydhabo.

Xeradaasoo ay kujiraan Ciidamo Aad u tiro badan oo ayago dhawaantan laga soo aruuriyey Magaalda Baydhabo Kadib Amar kasoo baxay Saraakiisha Ciidamda Xooga Dalka Soomalya & Gudoomiyaha G/ka Bay.

Dr. Abdi Aadan Hoosow oo lahahadlaayay Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa waxaa uu sheegey in Ciidanka ay kafogaadaan Dhibaatayta Shacabka Sida Dhaca Kufsiga Dilka & Cabsi gelinta Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu u balan qaaday Ciidanka inuu Xil iska saaridono Sidii ay u heli lahaayeen Xuquuqdooda waxaana uu sheegey in dowlada dhexe ay kawada hadleen sidii loo qaabayn lahaa oo meel loo saari lahaa Xaqa ay leeyihiin Ciidanka & kan ayagu qaranka ku leeyahay.

Wuxuu sidoo kale sheegey in uu ogyahay in ciidanka ay ku shaqeeyaan Daruufo adag Balse Abaalkooda loo Gudi doono Maadama ay u Adeegaan Dalkooda & Dadkooda.

Khudbadan Gudoomiyaha waxaa ka horeysay Kulan Saacado Qaatay oo Gudoomiyaha Laqaatay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya ee Kusugan G/ka Bay kaasoo in badan lagu soo Qaaday in lajiheeyo Meel Saarista Xaquuqda Ciidanka Dowlada Soomaliy ee G/ka Bay.

H2 (1)

H2 (2)

H3

hosow

 

Daafeet.Com