Maamulka Puntland oo sheegey in gudi u xilsaari doonan lacagaha Shilin Somaliga ee laga isticmaalo Deegaanka

0
32

shilinMaamulka Puntland ayaa Guddi u xilsaaraya lacagaha shilin Soomaaliga ah ee laga isticmaalo deeganada maamulka Puntland xilli maalmahan dambe hoos u dhac laga dareemay lacagaha laga isticmaalo koonfurta dalka Soomaaliya.

Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) maamulka Puntland ayaa lacagaha shilin Soomaaliga u sameynaya guddi ku sameeya dabagal.

Wuxuu sheegay in Puntland waqti ka yar hal bil ay ku keensan doonto Lacag Sh,Soomaali ah si looga hortago isbedel dhanka Sicirka lacagta ah oo Puntland kusii balaarta iyadoo go’aankaas ay wada gaareen buu yiri guud ahaan masuuliyiinta Maamulka Puntland.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen lacago shilin Soomaali ah oo sida la sheegay loo waday koonfurta dalka Soomaaliya.

Daafeet.Com