Qarax xaley ka dhacay Magalada Kismaanyo oo ey ku dhinteen Laba Ruux

0
38

qaraxQarax xalay fiidkii ka dhacay meel u dhow goobta uu ka socdo shirka maamul u sameynta Jubbaland ee ka socda duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan 2 Ruux.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka sheegay in labada qof ee dhimatay la rumeysan yahay inay farsameynayeen qaraxa ay ku dhinteen.

Waxay sheegeen in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku arkeen maydad si xun u go’go’ay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow madasha shirka maamul u sameynta Jubbaland ee ka socda duleedka Kismaayo, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxda gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, oo ka wada-hadlaya sidii maamul loogu sameyn lahaa saddexda gobol.

Daafeet.Com