Afhayeenka Alshabab Sheekh Cali Dheere oo ka hadley dilka Alshabab loogu geysto magalada Muqdisho

0
100

cali dhereAfhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay dilal la sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab loogu geystay Muqdisho, isagoo sheegay in ficilkaas uu yahay mid aan horay uga dhicin Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya inay ka dambeysay dilalka dadkan oo uu ku sheegay inay rayid ahaayeen, isagoo tilmaamay in wax aan wali taariikhda lagu arag lagu sameeyay dad qaraabo iyo isku heyb ah, maydadkoodana lasoo dhigay waddooyinka.

Afhayeenku wuxuu uga tacsiyeeyay dadka reer Muqdisho in dadkooda sidaas loo galo, isagoo xusuusisay inay ahayd arrin ay shalay kaga digayeen dadka ku nool Muqdisho in dhibaatadan iyo kuwo la mid ah loo geysan karo.

In ka badan lix qof ayaa la sheegay in lagu dilay Muqdisho, iyadoo dilalkaas la sheegay inay ka dambeeyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, lana sheegay in dadkan ay ka mid ahaayeen Al-shabaab lagana soo qabtay xaafado ka tirsan Muqdisho.

Daafeet.Com