Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Arbacadii la wareegay deegaanno dhowr ah oo hoos-taga degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ciidanka ayaa dagaal la’aan kula wareegay deegaannada Seydheelow, Buulo-Jadiid iyo Wariiri oo dhammaantood Baydhabo kaga beegan dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Baydhabo.
Taliyaha hoggaaminaya ciidanka howgallada sameeyay, Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Nuur (Cabdow Caase) ayaa sheegay in ay ciidanku sii wadi wadaan howlgallada ay kula wareegayaan deegaannada gacanta dowladda ka maqan ee gobolka Baay.
Wuxuu sheegay in maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ay ku sugnayd deegaannada ka hor inta aanay ciidanku la wareegin gacan ku hayntooda.
Daafeet.Com