Dowlada Jaban oo lacag ugu deeqdey Caruurta Somaliyeed

0
54

jabanDowladda Japan ayaa ku deeqday lacag gaareysa $15 milyan oo doollar oo lagu caawinayo hay’adda Qaramada Midoobay ee daryeelka carruurta ee UNICEF inay wax kaga qabato baahiyo deg-deg ah oo baaxad weyn leh oo ay qabaan carruurta ku nool Soomaaliya.

Hay’adda UNICEF ayaa maanta war-saxaafadeed ku sheegtay in deeqda lacageed ay wax kaga qaban doonto dhibaatooyinka la xiriira nafaqada, ammaanka cuntada, caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta carruurta, biyaha, nadaafadda guud iyo fayodhawrka carruurta tabaaleysan.

Sida ay sheegtay hay’adda, qeyb ka mid ah lacagta waxaa loo isticmaali doonaa dhismaha iyo dayactirka ilo biyoodyo ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 50,000 oo haween ah iyo carruur, iyadoo intaas raaciyay in barnaamijka wacyigelinta nadaafadda guud iyo fayodhawrka loo qaban doono bulshooyinka si looga hor-tago cudurrada ka dhasha nadaafad xumada.

Carruurta ku nool Soomaaliya waxay qabaan halis noocyo badan isugu jirta oo ka dhalatay dagaallada, barakaca, nafaqo xumada iyo cudurrada.

Daafeet.Com