Guddi wasiirro ah ayay dowladda Soomaaliya u saartay baarista dilal dhowaan Muqdisho loogu gaystay dad dhallinyaro ah oo la sheegay in lagala baxay xabsiyo ku yaalla caasimadda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in wasaaradaha garsoorka, arrimaha gudaha iyo warfaafinta loo saaray inay baaraan dilalka, isagoo xusay in xog ay ka heleen mas’uuliyiinta xabsiyada ay ku filnaan waysay.
Wuxuu sheegay in dowladda ay muhiimad gaar ah siinayso ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xurriyadda hadalka.
Mayadadka afar wiil oo dhallinyaro ah ayaa lagu arkay magaalada Muqdisho Arbacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo la sheegay inay ku xirnaayeen xabsiyada Muqdisho.
Daafeet.Com