Howlgalo Baaritaano ah oo saaka ka bilowdey Degmoyinka Xamarweyne iyo Xamar Jajab

0
56

baritanQaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir ayaa saakay waxaa ka socda howlgalo baaritaan oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada muqdisho.

Degmooyinka xamar weyne iyo xamar jajab ayaa saakay waaberigii waxaa ku kalahay ciidamada booliska ee dowlada ayagoona xaafadaha u baarayey guri guri.

Waxaana howlgaladaaasi lagu soo qabqabtay dad aad u fara badan oo badankood ay dhalin yaro ahaayeen.

Mas’uliyiinta degmooyinka xamar weyne iyo xamar jajab iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada booliska ayaanan weli ka hadlin howlgalkaasi saakay dhacay ayadoona aan la ogeyn tirada dadkii lagu soo qabtay howlgalka saakay ka dhacay degmooyinka xamar weyne iyo xamar jajab ee gobolka banaadir.

 

Daafeet.Com