Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ka qeyb galay shirka wasiirada arimaha gudaha dalalka Jaamacada Carabta ayaa ka warbixiyey wax yaabihii looga hadlay shirkaasi Soomaaliyana ka qoseeyey.
Wasiirka ayaa sheegay in wasiirada arimaha gudaha ee Jaamacada Carabta ay isla garteen sidii iskaashi looga yeelan lahaa dagaalyahanada ka jira qaar kamid ah wadamada Carabta, isagoona tilmaamay in meel la isla dhigay ka shaqeynta nabad gelyada wadamada ku bohoobay ururka Jaamacada Carabta.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in uu kulamo la qaatay qaar kamid ah wasiirada arimaha gudaha ee dalalka Carabta waxa uuna xusay in ay ku farxeen xaalada imika Soomaaliya ay ku sugan tahay.
Daafeet.Com