Askar laga soo qabtey Degmada Dhuusamareeb ayagoo dhac u geysanaya shacabka

0
57

dhusamarebShan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu xiray degmada Dhuusamarreeb ee gobolka Galgaduud, kaddib markii lagu eedeeyay inay dhac u gaysteen dad safar ah.

Taliyaha amniga ee Dhuusamarreeb, Farxaan Macallin Cali ayaa sheegay in ciidamada dhaca gaystay lala soo qabtay agabkii iyo lacagihii ay ka dhaceen dadka safarrayda ah.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah ciidamada dhaca gaystay uu ku dhaawacmay howlgalka lagu soo qabtay oo ka dhacay deegaanka Mirrij ee degmada Dhuusamarreeb oo ah halkii ay gaariga ku baarteen.

Farxaan wuxuu sheegay inay xoojinayaan amniga degmada, isla markaana ay maxkamadayn doonaan askarta falka dhaca ah lagu qabtay.

 

Daafeet.Com