Reysulwasare Saacid oo maanta booqdey Xabsiga Dhexe

0
144

sacidRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta booqasho ku tagay xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo dhawaan cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliye Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka C/laahi Abyan Nuur iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka Socdaalkiisa uu yahay u kuurgalida xaalada ka taagan Xabsiga dhexe ee Xamar oo dhawaan lasoo tabiyay in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xaalada xabsiga si wanaagsan ay usoo eegeen isaga oo tilmaamay in maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Xamar wixii ay u qaban karaan ay u qabanayaan maadaama qaarkood ay xanuunsan yihiin.

Daafeet.Com