Wasiirka wasarada gaashaandhiga oo sheegey in Alshabab laga saari doono gobolada ey ku sugan yihiiin

0
35

faqiWasaarada gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorshooyin kala duwan oo ku aadan sidii Alshabab looga saari lahaa Gobalada iminka ay  ku sugan yihiin.

Wasiirka Wasaarada Difaaca dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Gobalada Shabaab gacantooda ku jira ay Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay wadaan qorshooyin ku aadan sidii ay ula wareegi lahaayeen.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Gobalada iminka ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kusii dadaali doonaan sidii ammaankooda ay u adkeyn lahaayeen.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ujeediyay mahadnaq ballaaran sida dhiigooda ay ugu hureyn dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka Shabaab.

 

Daafeet.Com