Dowlada Ethiopia oo shaacisey in Ethiopia Airweys ey bilaabi doonto duulimaadyo ey ku tegi doonto Muqdisho

0
48

ethiopian airlinesDowladda Ethiopia waxa ay shaacisay in dhawaan ay bilaabayso Ethiopia Airweys duulimaadkeeda Addis Abbaba iyo Muqdisho.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya C/casiis Axmed Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha uu yahay sidii dadka isaga kala goosha Ethiopia iyo Soomaaliya ay uga bixi lahaayeen safarka xilligan ay umaraan waqtiga dheer,hayeeshe hada wixii ka dambeeya sida uu sheegay safiirka uu toos u bilaabanayo duulimaadka Ethiopian Airweys ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Abbaba.

Mar la weydiiyay safiirka in arintani ay qeyb ka tahay isbedelka dhanka hogaanka ah ee Dowladda Ethiopia ayaa wuxuu sheegay in micnihu uusan aheyn sidaasi balse lasii xoojinayo siyaasadii Melez Zenawi ee ku wajahneyd Soomaaliya.

Ugu dambeyn Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya C/casiis Axmed Aadan ayaa meesha ka saaray kamid noqoshada ciidamada Ethiopia kuwa Midowga Afrika ee AMISOM,isaga oo xusay in qorshaha Dowladda Ethiopia xilligan aanu sidaas aheyn.

Daafeet.Com