Taliyaha Ciidanka Taraafikada oo maanta shir jaraaid kaga hadley dilka loo geystey mid ka mid ah Askarta tarafikada

0
53

TaliyahaTarifikadaTaliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan taraafikada ayaa ka hadlay dil maanta loo geestay mid kamid ah askarta ilaalada wadooyinka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Dilka askarigaan ka tirsan ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa waxaa xaqiijiyay taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Cali Bare Xersi Cali Gaab oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Cali Gaab ayaa sheegay in askariga ka tirsan ciidanka ilaalada ee la dilay lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Warsame muddo fogna uu ka shaqeynaye ilaalada wadooyinka nooca mootooyinka ku shaqeeyana uu ahaa.

Taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa sheegay in dilka Xasan Maxamed Warsame ay ka dambeeyeen labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku toogtay meel u dhaw gurigiisa kadibna baxsaday.

Daafeet.com