Wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay, kadib markii ku dhawaad sedex bilood ah uu ku xirnaa xabsiga dhexe gobolka Banaadir.
Wariye C/casiis Koronto ayaa lagu eedeeyay in uu faafiyay warbixin ay saraakiisha ciidamadu sheegeen in ay ahayd mid been abuur ah, taasoo ahayd haweeney sheegtay in ay kufsadeen rag ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha maxkamadda Sare ee dowladda Soomaaliya Caydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa sheegay in baaritaanno ay sameeyeen ay u cadaatay in wariye Koronto uusan lahayd wax danbi ah sidaas daraadeedna ay maxkamaddu fasaxday.
Kadib markii ay maxkamaddu fasaxday wariye Koronto ayuu saxaafadda kula hadlay ilinka hore ee maxkamadda, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu dib u helo xoriyadiisa.
Amarka maxkamadda sare ee dalka ay kusii deysay wariye C/casiis Koronto ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay guud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Banaadir oo iyagu dadaal dheer u galay sidii wariye C/casiis koronto uu dib ugu heli lahaa xoriyadiisa.
Daafeet.Com