Xoogagga Al-shabaab ayaa maanta dib ugu laabtay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda Soomaaliya oo muddo hal sano ah gacanta ku hayay.
Degmada Xudur ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday bishii Maarso ee sannadkii hore, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ay isaga baxaan degmadaas iyadoo aysan wax dagaallo ah dhicin.
Ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda Soomaaliya ee ka baxay degmada Xudur ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca degmada Ceelbarde oo 90-km u jirta degmada Xudur.
Degmada Xudur ayaa waxay noqonaysaa degmadii labaad oo ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan tan iyo markii ay Soomaaliya soo galeen dhammaadkii sannadkii 2011, waxaana ay horay uga baxeen degmada Ceel-buur ee gobolka Galguduud oo ay Al-shabaab ka qabsadeen.
Daafeet.Com