Malaaq Cali Cabdirixmaan Cali (Malaaq Shiine) oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in shirka maamul u samaynta gobolada Lixda ah KoonfurGalbeed uu ka furmi doono magaalada Baydhabo todobaadkan gudihiisa kadib kolka uu dhamaado is wada arag dhexmara dhamaan qaybaha kala gedisan ee mas’uuliyiinta leh qaadashada go’aamada.
Waxa uu sidoo kalena uu Malaaqu hoosta ka xariiqay in shirka oo dhan ay Qawmiyada Digil iyo Mirifle gudaha dalka iyo dibadiisuba ay dhabarka u ridan doonaan wixii kasoo baxana la dhaqan gelin doono.
Halkan ka dhegayso waraysiga Malaaq Cali Cabdirixmaan Cali (Malaaq Shiine)