Taliyaha haya’dda dambi baarista Soomaaliyeed ee CID Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka iyo sida uu u dhacay qarax maanta lala beegsaday Taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg mar uu maanta la hadlay VOA.
Taliyaha CID Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sidoo kale ka warbixiyay Xaalada Caafimaad ee dadkii dhaawacyadu kasoo gaarey Qaraxii maanta isagoo sidoo kalena u tacasayadeeyay dadkii dhintay.
Dhanka kale Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo isagu ahaa qofkii lala beegsaday qaraxa maanta isla markaana horay loo shaaciyay inuu dhaawacmay ayaa u sheegay Idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga inuu ka badbaaday qaraxii maanta oo aan wax dhib ah ka soo gaarin waxa uuna hoosta ka xariiqay Taliyuhu inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Al-shabaab iyo wixii dhibaato ku haya dadka waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale ayaa maanta waxaa Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay ilinka hore ee Ex-fiyoore booqday Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariim iyo Taliyaha ciidanka Booliska
Wasiirka ayaa mid mid u gacan qaaday dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanta waxa uuna ka wareystay xaaladooda caafimada sida ay haatan tahay.
Mas’uuliyiinta isbtalka Madina oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay meydka Todoba Ruux oo uu ku jiray askari ka tirsan ciidamada dowladda,Wariye ka tirsanaa Idaacada Mustaqbal iyo dhaawaca 17 kale.
Halka Wariye Max’ed Cali Nuxurkey oo ka tirsan wariyaasha ka hawlgalada idaacadaha Maxalliga ah ee Mustaqbal magaalada Muqdisho ayaa goordhow u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ismiidaamin ee maanta ka dhacay afaafka hore ee xaafada Ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho wariyaha oo dhaawac ahaan loogu qaaday Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeynbtii u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray qaraxa.
Maamulka Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho oo uu wariyaha dhintay ka ahaa Barnaamij soo saare ayaa xaqiijiyey geerida wariye Max’ed Cali Nuxurkey alle ha u raxmadee,waxayna alle uga baryeen inuu u naxariista iyagoona eheladiisa alle uga baryay inuu ka samir siiyo.
Halkan ka dhegayso