Oon loogu la'anaayo deegaanka Geriley ee Gobolka Gedo.

0
57

biyoooXaaladahan Biyo la’aanta ah ee haatan  ka soo cusboonaaday deegaanka Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo kuna taala xuduuda u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dambeysay ka dib markii ay gureen Warahii oo dadka iyo duunyaduba ay biyaha ka cabi jireen oo gurey iyadoo roobabkii xilligii la soo dhaafeyna ay ku yaraayeen deegaanka.

 

Biyo la’aantan oo gaartey heerkii ugu xumaa ayaa sidoo kale waxay gaartey Tuullooyinka kale sida Faafax dhuun,Cawsquran,Daarasalaam,Buusaar iyo Tarako oo hoos taga degmada Ceelwaaq ayaa iyagu inta badan noloshooda dhinaca biyaha ah waxaa ay ku tiirsan tahay  Ceelal gacmeedyo ku yaala gudaha iyo daafaha deegaanadaasi .

 

 Hilowle Maxamed oo ah Gudoomiye ku xigeenka degaanka Geriley oo la hadlayey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay Biyo la’aanta ka jirta Geriley darteed in labo ruux ay Geriley iyo naxwaaxigeeda ugu geeriyoodeen Oon iyo haraad isagoo sheegayna biyo la’aanta ka jirta Geriley iyo nawaaxigeeda in ay mareyso meeshii ugu adkeyd abid.

 Halkan ka dhegayso waraysiga

Da biyo la,aan darted ugu geeriyoodey deegaanka Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo,wadajir