Weerar is qarxin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay goor dhow afka hore ee xerada Ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ku jira ninkii waday gaariga lagu fuliyay qaraxa ismiidaaminta ah, waxaa kaloo ku dhaawacmey dad fara badan oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Ex-fiyoore oo aad ugu dhowr xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa ahayd goob ay dad badan ku sugnaayeen marka uu qaraxu dhacayay, waxaana soo gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaas oo dhan isku gadaamay.
Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyadda weerarkan ismiidaaminta ah, sidoo kale kama aysan hadlin weli madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka mid noqonayaa weerarkan weerarro dhowr ah oo ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada dhowrkii bilood ee ay jirtay dowladda cusub.
Daafeet.Com