Ciidammo uu hoggaaminayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa xalay gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo ay shalay la wareegeen kaddib markii ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda ay isaga baxeen degmadaas.
Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab oo Mareykanka uu horay u dul-dhigay lacagaha ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku qasbeen kuwii Itoobiya ee degmdaas ku sugnaa inay isaga baxaan.
Abuu-Mansuur ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay degmadaas inay dib ugu soo laabtaan deegaankooda, ayna ku dhaqmaan shareecada Islaamka, isagoo sheegay in deegaannada kale ee gobolka ay kaga sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay dhawaan ka saari doonaan.
Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur ayaa ku boorriyay xoogagga Al-shabaab ee dib ula wareegay degmada Xudur inay dadka u cadaalad falaan, isagoo sidoo kale sheegay in degmadu ay hadda wixii ka dambeeyay u furan dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Daafeet.Com