Waxaa shalay markii ugu horreysay la sheegay inuu dib u helay xorriyadiisa wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” oo in ka badan labo bilood u xirnaa Xeer ilaalinta iyo Booliiska dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Siideynta wariyaha ayaa ku timid kadib markii maxkamadda sare ay sheegtay in aanay caddeyn eedeymihii lagu soo oogay wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” ee loo cuskaday xarigiisa, sidaasi darteedna dib loogu celiyo xorriyadiisa.
Gudoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cabdullaahi IlkaXanaf oo shalay xukunka lagu siidaayey wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” ku dhawaaqay ayaa sheegay in illaa hadda eedeymaha la sheegay in loo heystay wariyaha aysan noqon karin eedeymo qof lagu xabiso wuxuuna buriyey xukun xarig lix bilood ahaa oo 3-dii Maarso 2013 lagu xukumay wariyaha.
Dhanka kale ayaa hadana isla maxkamadan xukuntay denbi la’aanta wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” waxa ay wariyuhu ka reebtay xuquuqdiisii aasaasiga ahayd ee muwaadin-nimo ee uu sharcigu siinayay oo ahayd in gefkii loo gefay iyo weliba mudadii sida Sharcidarada ahayd loo xiray iyo guud ahaan dhibta ka dhalatay xadgudubka loo gaystay wariyuhu inuu ka dalbado magdhow maadaama wixii loo xiray aysan ahayn wax caddeyn loo heley.
Waxaa intaasoo dhan ka sii weyn waxay tahay in uu cadaaday kiiskii KUFSIGA ahaa ee ay isku dayeen Booliska iyo Maxkamadda inay daboolka saaraan oo ay iska dhegatiraan si loogu baabi’iyo siideynta labadan ruux ee lagu dhibay awooda sharciga ah oo lagu takri falay.
Xukunkan maxkamadda sare ay gaartay ayaa wuxuu bannaanka keenay labo waxyaabood oo waaweyn;-
A- In dhammaan eedeymihii mudada dheer soo jiitamayey ee loo heystay wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” iyo Haweeneydii la kufsaday ee Luul Cali Cismaan Barake aysan wax sharci iyo caddeyn ku fadhin isla markaana ay ahaayeen kuwo ku yimid aqoon darro iyo maamul xumo ka timid hawlwadeenada garsoorka dawlada.
B- Waxaa kaloo xukunka ishortaagay xuquuq dastuuri ah oo awood u siineysa wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan Barake inay ku dacwoodaan in laga siiyo magdhow mudaddii ay xirnaayeen maadaama maxkamadda sare ay cadeysay in eedeymihii lagu xiray aysan ku fadhin CADEYN iyo Markhaati run ah toona.
Luul Cali Cismaan Barake oo ah haweeney Soomaaliyeed oo ka mid ahayd barakacayaasha kadibna ay kufsadeen shan nin oo la tuhunsan yahay inay yihiin askarta dawlada iyo wariye Cabdicasiis oo wareystay gabadha dhibbanaha ah, waxay labaduba maanta joogaan bannaanka, iyagoo ay ka maqan tahay qeyb ka mid ah xuquuqdooda muwaadinimo ee aasaasiga ahayd ee la doonayay inuu sharcigu dhowro!!!.
Halkan ka dhegayso warbixinta oo dhamaystiran