SIIDII "Dowlada Fedraalka waa inay gobolkeena u dhistaa laamaha Garsoorka"

0
68

SIIDICabdulqaadir Siidii Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ee Dowladda ayaa sheegay in wasaarada Garsoorka ee dalka uu ka codsanayo in gobalkaasi la geeyo garsoor cadaalad ah lagana hirgaliyo dhamaan deeganada gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in iminka hal garsoor kaliya uu ka jiro degmada Afgooye taasina aysan ku filneyn baahida Garsoor ee gobalka ka jirta maadaama burcada markii lasoo qabto loo baahan yahay in xukun wanaagsan lagu fuliyo.

Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ee Dowladda Cabdulqaadir Siidii ayaa sheegay in loo igmaday wax uqabashada shacabka iyo inay ka hortagaan dadka dhibaataynaya shacabka isaga oo carabaabay in shacabka gobalkaasi dhibaato adag ay ku qabaan rag wata dareeska ciidanka oo dadka dhibaateynaya.

Inta badan raga burcada ah ee laga qabto gudaha gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxaa la keena magaalada Muqdisho oo talaabo looga qaadaa ama masuuliyiin ka tirsan laamaha ku shaqada leh ayaa socdaal ku taga gobalkaasi oo xukunada fuliya.