Mudanayaal iyo Marwooyin, bahda saxaafadda oo isku duuban, gaar ahaanna agaasimaha Radio Dalsan, Ergo iyo agaasimayaasha warbaahinta guud ahaan, bahda difaaca xaquuqda saxaafadda, Xarunta SWDC iyo Madaxda Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xoghayaha Guud ee Ururka, Ururada Xaquuqda aadanaha Caalamiga ah iyo dhammaan inta gacan ka geysatay difaaceena , dhammaantiin waad salaamantihiin.
Ugu horeyn ii ogolaada in aan Mahad Gaar ah u jeediyo Qareenadii na difaacayey aniga C/Casiis C/Nuur Ibraahim ah iyo Dhibanihii aan wareystay. Runtii waxay si hufan oo daacadnimo badan leh u xafideen aaminaadeenii aan ku aaminay nafteena in ay sharciga Hortiisa nagu difaacaan.
Waan salaamayaa, waana uga mahadcelinayaa Qareen Prof. Maxamed Maxamuud Afrax iyo Qareen Dr. C/Kariin Gorod sida ay sharciga hortiisa noogu difaaceen.
Waxaa guul weyn inoo wada ah in maanta sharciga hortiisa ay ku cadaatay in eeddii la igu soo eedeeyey ay aheyd mid aanan galin, isla markaasna si kasta oo loo buunbuuniyey ay ugu dambeyn noqotay mid bulshada iyo sharcigaba u cadaatay in aan ku xirnaa si qalad ah, isla markaasna aniga, gabadha dhibka sheegatay iyo inta kale ee arrinteena loo xirayna ay ahaayeen dhibanayaal.
Haddii aan in yar ka iraahdo sida xarigeyga u dhacay. 10-kii Bishii 1-aad ayaa la iiga yeeray Xarunta barista Dembiyadda ee CID, halkaas oo la ii sheegay inta aanan tagin in aan ka jawaabayo eedeyn la ii heystay oo aheyd in war ku qoran Aljazeera aan aniga qoray.
Waxa aan aaminsanaa markii aan meesha tagayey iyo sida ay wax noqdeen aad ayey u kala geddisnaayeen.
Aniga waxaan is lahaa dad masuuliyiin ah ayaa ku soo wacay, saxafi Bulshada u adeega ayaad tahaye meesha tag ka jawaab Su’aalaha lagu weydiiyo iyo haddii wax eed ah laguu qabo.
Markii aan imid ee aan ka jawaabay dhammaan su’aalihii ayaa la ii sheegay in aan habeenkaas sugaayo Taliyaha Ciidamada booliiska, sidii ayaana habeenkii meesha ku seexday. Jimcihii markii aan taliyaha la kulmay oo aan ku rajo weynaa inuu I soo fasixi doono ayaan dareemay in dhaqdhaqaaqyada socda iyo waxa shuxshux la leeyahay aysan aheyn kuwo ku haboonaa in ay dad masuuliyiin ah ku kacaan.
Waad ka wada dheregsan tihiin in la isku af gartay in aniga iyo gabadha na loo sameeyo eed si Booliiska ay isaga fogeeyaan eeda ah in kufsiga dhacay ay wax ka qaban waayeen. Waxay aheyd in meesha ay waqti badan geliyeen in anaga ay noo sameeyaan eedeyn aan sax aheyn in ay waqtigaas geliyaan baaridda falka gabadha ay sheegatay in uu ku dhacay, hubanti saacadan waxay ka gaari lahaayeen natiijo wax ku ool ah.
Aniga xanuun badan ayey igu heysay in aniga oo og in aanan wax dembi ah galin in masuuliyiin heer qaran ah ay idaacadaha ka sheegayeen inaan dembiile ahay. Waad garan kareysaan xanuunka ay leedahay aniga oo ku jira qol yer oo mugdi ah, ciriiri ah, nadaafadiisa iyo xaaladii nololeed ay aad u liitaan, haddana warka aad maqleyso uu yahay eedeyn halis ah, misena aad og tahay in aadan galin oo laguu maleegayo. Xanuun badan ayey igu heysay. Balse waxaa aad ii rajo gelinayey sida ay bahda saxaafadda Soomaaliyeed oo isku duuban, min agaasimayaasha warbaahinta, ururka qaranka saxafiyiinta ee NUSOJ iyo weriyeyaasha ay ugu wada istaageen difaaceyga.
Waxaa iyadana rajadeyda kor u qaaday sida Hay’adaha Xaquuqda aadanaha adduunka sida, UN-ka, Amnesty International, Human Rights Watch, CPJ iyo in kale oo badan ay ugu istaageen in ay noo doodaan si aan xaquuqdeena aan na loogu duudsiin sharciga hortiisa, taasina ugu dambeyntii waa lagu guuleystay, dhammaanna inta ka qeyb qaadatay waan u mahadcelinayaa.
Xaaladda Xabsiga aan ku xirnaa ayaa doonayaa in aan wax yar ka iraahdo.
Xabsigu daruufo adag ayaa ka jira, wuxuuna u baahan yahay gurmad heer dowladeeda ah iyo in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay isugu tagaan in gurmad loo sameeyo maxaaabiistaas xabsiga ku jirta oo aan ku tilmaami karo dad badan oo kun dhaafaya.
Way xanuun badan tahay in Xabsiga oo xilligan wajahaya shuban biyood haddana xaaladda oo adag iyo sharciyadda xabsiga oo ad adag darted ayaa maxbuuskii uu shuban ku dhacaaba uu halis dhimasho ah gali karaa.
Tusaale haddii habeenkii qof lagu soo booddo askarta amar uma qabaan in ay irrida furan, sidaas darted qofkii haddii uusan Ilaah badbaadin wuxuu ku dhimanayaa meesha, haddana askartii irrida ma furi karaan oo ma oga in ay maxaabiista irridda jamsadaan. Laakiin mar walba wuxuu xabsiga u baahan yahay in la helo si qofkana loo badbaadiyo xabsigana aysan dhibaato uga dhicin.
Waxaa doonayaa in aan in aan Madaxda Dowladda baaq u diro.
Waxaan leeyahay Haddii ay garsoorka iyo Amniga dadka masaakiinta ah ku xadgudbayaan waa inay madaxda dowladda soo fara geliyaan, balse haddii ay garsoorka xadgudbaan, madaxda dowladdana aysan soo faro gelineyn yaa u maqan maatida. Inta garsoor sax ah laga dhisayo waa in madaxda Dowladda ay shacabka sharciga lagu dulminayo il gaar ah ku eegaan.
Bahda Saxaafadda waxaan leeyahay, sida aad hadda isugu duuban tihiin isugu duubnaada, kana fogaada wixii keeni kara tafaraaruq iyo dhibaato. Waxaa sidoo kale leeyahay, xarig iyo dil midna yuusan na niyad jebin, anigana waan idinka balan qaadayaa in aan adkeynaayo in aan saxafi ahaado.
Ugu Dambeyntii, waxaan Madaxda ka codsanayaa in dhibanayaasha xaquuqdooda la siiyo oo marka ay ugu yartahay sharciga la horkeena dambiilayaashii oo hay’adaha danbi barista ay sharicga hor keenaan. Mahadcelin gaar ah waxaa halkan uga dirayaan dhammaan inta u istaagtay difaaceena aniga iyo gabadha dhibanaha aheyd.