Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” oo xalay la hadlay idaacadda VOA ayaa ku micneeyay sababta ka bixitaanka ciidamada Itoobiya caasimada gobolka Bakool degmada Xudur inay tahay amar ka soo baxay dawlada Itoobiya.
“Saraakiisha ciidamada Itoobiya markii aan la hadalnay waxay noo sheegeen in amar laga soo siiyey dawladooda lagu faray inay isaga soo baxaan.” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Aadan Madoobe ayaa intaa ku daray in ciidamada Soomaalida ee halkaasi ku sugan aysan awood u lahayn inay ka hortagaan Al Shabaab maadaama hub iyo rasaas ku filan aysan heysan, taasna ay keentay in Itoobiyaanka markii ay bexeen in iyaguna ay sii raacaan.
Dhanka kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa cadeeyay in markastaba la sugayey in Itoobiyaanka ay ka baxaan gobollada ay ku sugan yihiin maadaama heshiis hore oo dawlada Soomaaliya iyo Itoobiya wada galeen ay ahayd in meelaha laga saaro Al Shabaab ay la wareegaan ciidamada AMISOM.
Dhanka kale ayaa waxaa aad loo hadal hayaa in Itoobiyaanku ay sidoo kale yeeli doonaan Baydhabo oo ay ka bixi doonaan Haddii ciidamada Itoobiyaanku ay baneeyaan magaalada Baydhabo waxay noqoneysaa magaaladii labaad ee ay baneeyaan ciidamada Itoobiya oo mudo sanad ah ku sugnaayeen gobollada Baay iyo Bakool.
Laakiin saraakiisha dawlada ee gobolka Baay ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo ay ka duwan tahay degmada Xudur maadaama ciidamo AMISOM ay joogaan iyaguna ay ku filan yihiin amaanka Baydhabo.
Dadka arrimaha amaanka yaqaana ayaa sheegaya in arrintan ay caqbad hor leh ku noqon karto dawlada cusub ee Soomaaliya ayna u baahan tahay inay si taxadar leh ku wajahdo isla markaana ku diyaariso ciidan awoodi kara inay sugaan amaanka deegaanada ay ka baxayaan Itoobiyaanka.