Kulan balaaran oo ay ka qayb galeen qaybaha kala gedisan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa shaley lagu caleemo saaray Suldaan cusub oo ay yeelatay beesha Shanta Caleemood iyo Shareey ee beelwaynta Jareer.
Kulankaasi ayaa waxaa kadlay Xoghayaha dhaqanka iyo wacya gelinta ee golaha Salaadiinta iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jaaha ibraahin xasan.
Jaaha ayaa waxa uu suldaanka cusub kula dardaarmay inuu ilaaliyo walaaltinimada soo jireenka ah ee ka dhexaysa Jareerta iyo Jileeca beelaha Shanta Caleemood.
Sidoo kale ayaa waxaa kulanka ka hadlay Abuukar Ibraahin Cabdi gudoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn waxa uuna suldaanka cusub uu ku tirtirsiiyay inuu ka soo dhalaalo kaalintiisa Suldaan-nimo.
Ugu danbayna waxaa kulanka soo gunaanaday Suldaanka cusub ee ay maanta caleemo saarteen beesha Shanta Caleemood iyo Shareey ee beelwaynta Jareer Suldaan Xasan Axmed Muuse.
Suldaanka ayaa waxa uu ILLAAH ka baryay inuu xilkiisa la garab galo.
Si kastoo loo dhigaba Caleemo saarka Suldaanka cusub ee beesha Shanta Caleemood ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo beeshu ay leedahay Suldaan soo jireen ah oo lagu magacaabo Malaaq Siidoow Maadow Muuse.
Halkan ka dhegayso sida uu kulanku u dhacay