Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa shalay sheegay in dowladdiisu ay qorsheyneyso sidii ay si deg-deg ah dib ula wareegi lahayd magaalada Xuddur ee gobolka Bakool oo Axaddii la soo dhaafay ay qabsatay maleeshiyada al-Shabaab.
Dhinaca kale raysul wasaaraha ayaa si kulul u cambaareeyay dil kooxda al-Shabaab ay habeen hore ugu geysatay gudaha magaalada Xuddur Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame oo ka mid ahaa culumaa’uddiinka waa-weyn ee gobolka Bakool.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, rag hubaysan oo ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa Sheekh Cabdiraxmaan waxay habeen hore kala baxeen gurigiisa, iyadoo meydka Sheekha shalay lagu arkay meel u dhow gurigiisa.
Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in muddo 40 sano ah uu Imaam ka ahaa masaajid ku yaalla magaalada Xuddur, kana aqrin jiray duruusta diiniga ah, gaar ahaan Tafsiirka Qur’aanka.
Daafeet.Com