Dagaal geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa xaley ka dhacay koonfuta magalada gaalkacyo kaasoo ey ku dhinteen laba qof afar kalena way ku dhaawacmeen.
Taliyaha booliiska magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Qooreey ayaa sheegay inaysan garanayn sababta keentay dagaalka dhexmaray labada kooxood, balse ay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii iskahorimaadku dhexmaray.
Maleeshiyada dagaalantay ayaan la ogeyn cid ay ka amarqaataan iyo sababta keentay iskahorimaadkooda, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in dhinacyadu ay isku adeegsadeen hub kala duwan oo u badan midka fudud.
Degmada Gaalkacyo ayaa waxay u qaybsan tahay laba dhinac, iyadoo ay ka kala taliyaan maamulka Galmudug iyo Puntland.
Daafeet.Com