Dowlada Mareykanka oo dul dhigtey 10 malyan oo dolar cidii sheegta mesha ey ku sugan yihiin Al americi iyo Jehad Servan

0
61

al amerikiWaaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay inay malaayiin doollar ku bixineyso ciddii soo qabata ama sheegta warbixinno ku saabsan meelaha ay joogaan labo Mareykan ah oo ka tirsan kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Min 5 milyan oo doollar ayay dowladda Mareykanka ku bixineysaa ciddii keenta xog horseedi karta xarigga Omar Shafik Hammaami oo ku magac-dheer Abu Mansur Al-Amriki iyo Jehad Serwan Mostafa.

Labadan nin waxay ku jiraan liiska FBI-da ee shaqsiyaadka loogu raadiska badan yahay ee ka tirsan argagaxisada caalamka.
Abu Mansur Al-Amriki iyo Mostafa waxay xubno ka yihiin kooxda al-Shabaab, iyagoo door weyn ka qaatay taageerada howlgallada milateri iyo warbaahinta kooxda al-Shabaab, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda.

Waxaa la rumeysan yahay in labadan nin ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, ayna ku hadlaan luuqadaha af-Ingiriiska, Carabiga iyo Soomaaliga.

Sarkaal sare oo ka tirsan FBI-da ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay hayso macluumaad ku saabsan in labada nin ay rabaan inay waxyeelleeyaan danaha Mareykanka, lana rumeysan yahay inay ku lug leeyihiin qorshayaal weerarro ka dhan ah shaqsiyaad ka tirsan Mareykanka ama hanti.”

 
Daafeet.Com