Maamulka gobolka Bakool ayaa dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya dusha kaga tuuray eeda ka bixitaankii magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay dhawaan faarujiyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa wadanka Itoobiya oo muddo sanad ku dhawaada gacanta ku hayey.
Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Max’ed Macalin Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay si fudud uga baxaan magaalada Xudur oo qabsashadeeda dhibaato badan laga soo maray sida uu sheegay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka magaaladu aysan waxba kala socon bixitaanka Ciidamada isgarabsanaya wuxuuna tilmaamay iney la yaaban yihiin sababta keentay in magaalada ay si sahlan uga ruqaan sadaan ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay in hareera iyo gudaha magaalada Xudur ay ku lahaayeen dhufeysyo iyo xeryo milateri oo aad u waaweyn.
Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay qaadayaan masuuliyada shacabka lagu gumaaday magaalada Xudur kadib bixitaankii Ciidamada dowlada iyo Itoobiya oo ay alshabaab ku dileen qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaaladaas.
Daafeet.Com