Sida ay sheegtey wakaalada wararka ee AFP ciidamada midowga Africa ee dagaalka kala horjeeda ciidamada Alshabaab ayaa isku diyaarinaya sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Xudur oo dhawaan markii ay ka baxeen ciidamada Ethiopia ay la wareegeen ururka Alshabaab.
Ciidamada Ethiopia oo ahaa ciidamo dhanka meltariga aad ugu xooganaa tan iyo waxii ka dambeeyay November sanadkii 2011 ayaa isaga baxay degmada xudur ee gobolka Bakool Axadii lasoo dhaafay,waxaana qabsaday Alshabaab.
Andrew Gutti ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in ciidamada AMISOM ay gaari doonaan degmadaasi xudur oo dhawaan Alshabaab ay qabsadeen markii ciidamada Ethiopia ay isaga baxeen.
Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa iminka ku sugan magaalada Baydhaba ee gobolka Baay halkaasi oo ay u joogaan xaqiijinta amaanka,waxaana ay qeyb ka yihiin ciidamada AMISOM ee loo qorsheeyay in la geeyo gobolo qaar oo ku yaala dalka Soomaaliya.
Alshabaab ayaa muddo ku dhow halsano ka maqnaa degmadaasi,waxaana ka talinayay maamul hoostaga dowlada Soomaaliya,ilaa iyo iminkana lama oga waxyaabaha keenay in ciidamadaasi ay isaga baxeen degmada.
Daafeet.Com