Midowga Yurub oo lacag ugu deeqey Ciidamada Amisom

0
45

euroWar qoraal ah oo ay soo saartay madaxa arrimaha dibadda u qabailsan Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa lagu sheegay in lacagtaan ay qayb ka qaadan doonto sidii ciidamada AMISOM ay u fulin lahaayeen howlgallada dib u soo celinta nabadda Soomaaliya.

Catherine Ashton ayaa sheegtay in taageerada Midowga Yurub uu siinayo AMISOM ay qayb ka tahay dedaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga oo lagama maarmaan u ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo looga fadhiyo inay la timaado dowlad wanaag, dib u soo celiso kala dambaynta sharciga iyo inay bixiso adeeg aasaasiga u ah shacabka Soomaaliyeed.

Warka qoraalka ah oo ka soo baxay Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in lacagtaan 33 milyan ah ay ka caawin doonto ciidamada AMISOM in la daboolo baahida ciidamada, adeegayada booliska iyo rayidka la xariir iyo socodsiinta xafiiska AMISOM ee magaalada Nairobi.

Lacagaha Midowga Yurub uu ugu deeqay howlgalka AMISOM lagaa soo billabao 2007 waxay gaaraysaa 575 milyan oo Dollar.

Daafeet.Com