Kulan aad u balaaran oo looga hadlayey ka bixitaanka ciidanka Ethiopia ee Gobalada Baay iyo Bakool ayaa waxaa lagu qabtey magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galey Odayaasha dhaqameedyada Digil iyo Mirifle iyo sidoo kale saraakiil ka socotay AMISOM, Saraakiisha AMISOM ay shaaciyeen in ciidanka Ethiopia howl badan ay qabteen.
Sarkaal kamid ah saraakiisha ciidanka AMISOM ayaa u sheegay warbaahinta in ciidanka Ethiopia kaalin muuqato ay ka qaateen dadaaladii Shabaab Gobaladaasi looga saaray.
Wuxuu sheegay in hadii ciidanka Ethiopia ay si toos ah uga baxaan Gobalada Baay iyo Bakool ciidamada AMISOM ay qaban doonaan howlo adag oo ku aadan inay buuxiyaan goobaha ciidankaasi ay ka baxaan.
Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Digil iyo Mirifle ayaa shaaca ka qaaday in deeganada ciidamada Ethiopia ay ka baxeen ee Gobalka Bakool durba shabaab ay ka geesteen tacadiyo ka dhan ah dadka deegaanka.
HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO
Daafeet.Com