Shir looga hadlayo arimaha amaanka magaalada muqdisho ayaa kol dhow ka bilowdey xarunta Maamulka Gobalka Banaadir kulankan oo ey wada qaadanayan Wasiirka arimaha gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Saraakiisha ammaanka Degmooyinka.
Kulanka oo ah mid albabada u xiran suxufiyiinta waxa ay yihiin kuwa ku sugan Banaanka hoolka uu kulanka ka socda iyadoo ujeedka kulanka lagu sheegay ammaanka magaalada Muqdisho.
Inkastoo warar dheeraad ah aan laga hayn waxyaabaha sida hoose ay uga wada hadlayaan Wasiirka arimaha gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa sidoo kale wararka aan helayno ay sheegayaan in Saraakiisha ammaanka Degmooyinka Gobalka Banaadir ay ku sugan yihiin madasha shirka.
Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horey oo uu dhoco kulan noocan ookale ah ayado marba marka ka dambeyso uu amaanka muqdisho kasoo roonaanayo sidii uu ahaan jirey walow ay masuulinyiin isku deyeyaan sidii ey usii xoojin lahaayeen amaanka magalada muqdisho.
Daafeet.Com