Xaalada Magalada Marka ee Gobolka Shabelaha Hoose oo weli Cakiran

0
50

markaXaalad cabsi leh ayaa saakay ka taagan degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii uu shalay halkaas ku dhexmaray dagaal khasaare geystay askar kawada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya; iyadoo saakay ay degmadaas u kicitimeen saraakiil ka tirsan kuwa dowladda.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay inay saakay cabsi weyn ka jirto degmada, iyadoo ciidamadii dagaalamay ay weli ku sugan yihiin bartii koontarool ee ay ku dagaalameen, iyadoo saakay uu aad u yar yahay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada ayaa sheegay in khilaafkan lagu xallin doono wadahadal maanta, iyagoo sheegay in saraakiil ka tisran kuwa dowladda ay sugayaan.

Dagaalkii shalay oo ka dhashay muran soo dhexgalay ciidammo u sugan bar koontrool oo laga galo degmada Marko ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiray sarkaal ka tirsan guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka.

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM la geeyay goobtii lagu dagaalamay, kuwaasoo isku dayay inay ka horagaan dagaallo mar kale ka dhaca koontaroolkaas.

Daafeet.Com