Warar aynu ka helney magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in khilaaf soo kala dhex galey Mudanayaasha ka tirsan Baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Magaalada baydhabo iyo Bulshada Rayidka ah, Khilaaf kaasi oo salka ku haya Jiritaanka Guddoomiyaha Cusub ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya dhawaan u magacowday gobolka Bay.
Xiisadani ayaa gaartay bulshada Rayidka Magaalada Baydhabo, waxaana kulan ay ku yeesheen gudaha degmada Baydhabo qaybaha Bulshada Rayidka ay kasoo saareen go’aano ku aadan Xildhibaanada kasoo horjeeda Guddoomiyaha Cusub, waxaana ay ugu baaqeen inay la shaqeeyaan Maamulka Cusub.
Xaawo Sokor Cali waxay kamid tahay Ururada Bulshada Rayidka Magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegtay inay taageersan yihiin go’aankii dhawaan kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilka Guddoomiyaha cusub loogu Magacaabay Aadan Hoosow.
Daahir Maxamed Samaraano Guddoomiyaha dhalinyarada Magalada Baydhabo ayaa isna dhankiisa sheegay inay taageersan yihiin Guddoomiyaha cusub ee Magaalada Baydhabo wuxuna baaq u diray Xildhibaanada kasoo horjeeda Guddoomiyaha Cusub.
si kastaba arintu ha ahaatee xildhibaanadan intooda badan ayaa ah kuwa ka soo horjeeda horumarka iyo danaha dadka ey matalaan taasoo aan sabab uga dhigi karno in mar walba oo ay buldhaba damcaan in ey hurumar sameeyaan ka hor istaga horumarkaas asaga ah.
HALKAN HOOSE KA DHEGEYSO
Daafeet.Com