Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.
Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiil ciidan iyo Xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Digil Iyo Mirifle.
Hoteelka Bakiin ee Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo galbiyay iyadoo halkaasi iminka ay ku sugan yihiin Guddoomiyaha iyo xubnaha la socda.
Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa lala dhexmaraya gaadiid laga baahinayo heeso wadani ah iyo heeso nabada ka hadlaayo oo lagu soo dhaweynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Daafeet.Com