Gudoomiyaha Barlamanka Prof Jawaari oo shir jaraaid ku qabtey Magalada Baydhabo.

0
63

jawaariWafdi balaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaana si diiran u soo dhaweeyey maamulka gobolka Baay oo uu horkacayey gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Huusoow iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeeda deegaanka oo hore u joogay magaalada.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxa uu shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka isagoona ku sheegay ujeedka safarkiisa inuu la xiriiro u kuurgalida xaaladaha shacabka kasoo jeeda deegnada ey Digil iyo Mirifle,wuxuuna tilmaamay in masuuliyada loo igmaday ay qayb ka tahay la socodka marxaladaha shacabka dalka.

Gudoomiye Jawaari ayaa dadkii soo dhoweeyay ugu hanbalyeeyay ku soo noqoshada gacanta dowlada magaalada Xudur xarunta gobolka Bakool.
Halkan ka dhegayso shirkiisii Jaraa’id

 

War Jawaari