Wasiirka wasarada Gaashaandhiga oo ka hadley qorshaha lagula wareeaya Degmada Xudur

0
42

faqiQorshaha lagula wareegay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool wuxuu marayaa meel gabo-gabo, sidaa ayuu ku sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi warsaxaafadeed uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dadkii ay Al-Shabaab ku dishay gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool; waxaana uu wasiirku tilmaamay in dadkaasi wasaaraddu ay u aar-gudi doonto.

“Maleeshiyooyinka argigixisada ah ee Al-Shabaab xilligan ma hayaan awood ay kaga hor-yimaadaan ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee taageeraya; waxaana u bur-burin doonnaa sidii aynu ugu bur-burinnay gobollo badan oo dalka ka mid ah,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiirka oo sii hadalaya ayaa xusay in howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab aysan joogsan doonin inta guud ahaanba dalka laga sifeynayo oo maamullada gobollada dalka oo dhan ay hoos imaanayaan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo gacan milateri ka hesha ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa dhawaan laga qaaday cunno-qabateyntii hubka ee saarnayd muddada labaatanka sano ka badan.

Daafeet.Com