Wasiiro iyo xildhibaano u kicitimey Magalada Kismaanyo

0
43

kismWasiirro iyo xildhibaanno xukuumadda ka tirsan ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasoo la filayo inuu ka furmo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, iyadoo la adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo.

Wasiirrada baxay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan qaarkood ay warbaahinta u sheegeen inay golgol xaar u yihiin wafdi uu ra’iislu wasaaruhu hoggaaminayo oo lagu wado inay berri u ambabaxaan Kismaayo.

“Socdaalkeennu wuxuu salka ku hayaa maamul u sameynta Jubbooyinka oo muran uu ka taagnaa, waxaana furi doona shirkaas ra’iisul wasaaraha, balse weli ma cadda in maamulkaas uu noqon doono KMG ah iyo inuu rasmi noqon doono,” ayuu yiri Xuseen Bantuu oo ka mid ah xildhibaannadii u dhoofay Kismaayo oo warbaahinta si kooban ula hadlay isagoo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale, wafdiga la filayo inay maanta gaaraan Ksmaayo ayaa waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo iyagana ka imaanaya dhinaca magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga jirta magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar gacanta ku hayay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa raaskambooni iyo ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Daafeet.Com